Internet Safety Training – Somali

Tababbarka Badbaadada Internetka

Tobabar Hablaha Loogu Talo Galay Oo La Xidhiidha Ka Amaanka Internet-ka Iyo Warbaahinta Casriga ah.

Cyber-Safe Zone, Alhambra Women’s and Asian Mum’s Network waa shabakad bilowday olole wax lugu baraayo Hablaha, Hooyooyinka Iyo Ayeeyooyinka, taas oo lugu tababaraayo xirfadaha Warbahinta casriga ah iyo Amaanka Internet-ka!

  1. Miyaad Ka Werwertaa waxa ay carruurtaadu ka qabato Internet-ka?
  2. Waa maxay warbaahinta Bulshadda ee aad isticmaashid, laakiin ma jecelaan lahayd in aad baratid talooyin wax tar leh?
  • Muxuu Ilmahaygu Tiknoolagiyadda u yaqaanaa in ka badan inta aan aqaano?
  • Maxaad ka taqaan Ciyaarta Giimka iyo amaankeeda?
  • Waa maxay macnaha qiimaynta PEGI?
  • Waa maxay macnaha dhabta ah ee Snapchat-ka, Instagram-ka iyo YouTube-ku?
  • Waa maxay sababta Carruurteenu mar kasta ugu jiraan Internet-ka?
  • Waa maxay shabakadda madow, se maxay u tahay mid halis badan?
  • Sideen u ilaalin karaa Furaha sirta ee Internetkayga?
  • Waa maxay fariimaha furan ee Internet-ku, Sideen u joojin karaa?
  • Siddeen Ilmahayga uga ilaalin karaa waxyeeladda Shabakadaha Internet-ka?
  • Waa maxay macnaha saxda ah ee “Hashtag”, sidee buuna u shaqeeyaa?
  • Siddeen ku sugi karaa nabad-geliyada Warbaahinteyda Bulshadda?

Fadhiga tababarkan waxaynu ku dabooli doonaa

  • Ilaalinta furaha sirta ee Internet-kaaga iyo sidii looga dhigi lahaa mid adag oo aan la jebin karin?
  • Waxaad daawan doontaa muuqaal looga doodaayo sidda xatooyo loogu sameeyo Internet-kaaga?
  • Hordhac asaasi ah oo la xidhiidha Aaladaha Bulshadu Isticmaasho sida Snapchat-ka, Ciyaarta Giimka, Instagram-ka iyo You-tube-ka.
  • Waxaa lagaga hadli doonaa khatarta carruurta kaga imanaysa Internet-ka Iyo in aanay la sheekaysan cid aanay aqoon?
  • Xayiraadaha Da’da ee isticmaalka Aaladaha Bulshada Iyo Qiimaynta PEGI
  • Diidmadda / Xoog-sheegashadda
  • Qabashadda – Waxaad qaban doonto hadii xoog-sheegasho timaado ama hadalo nacayb muujinaaya sida sawiradda la jaro iyo halka aad uga dacwooneyso
  • Waxa lugusoo bandhigi doonaa Eray bixinta sida Xagjirnimada, Shabakada Madow, buun-buuninta, xoogsheegashadda, xanibaada, boogsiga, Fayraska, isku-xidhka, Xakamaynta waalidka, sawirada la jaro, Bogga gaarka ah, Hashtag-ga, IWM.

Kusoo biir bogga aanu Facebook-ga ku leenahay


Do the online internet safety survey here

To know more either visit our blogs 

  

Fill in our Internet Safety Survey 

*If you are interested in being part of the pilot, consultation and training

Call 07894979656  or 

Email: 

[email protected]

[email protected]

[email protected]

Shares